Madaxweynaha Eritrea oo beeniyey war laga faafiyey oo ku saabsanaa DF

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afaweki ayaa sheegay in horay looga faafiyay warar been abuur ah oo lagu sheegay in uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya ee aqoonsiga ka haysata Qaramada Midoobay iyo beesha caalanka.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in dowladda haatan ka jirta Soomaaliya eysan waxba ka duwaneyn kuwii horay dalkaasi u soo maray ee ay hogaaminayeen madaxweynayaashii kala ahaa Abdi Qasim Salad, Abdulahi Yousuf, Sheikh Sherif ama kuwa ka arrimiya maamulada Puntland iyo Hargeysa.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Afwerki oo wareysi siiyay TV isaga taageersan oo dalkiisa ka soo baxa in calanka Soomaaliyeed ee xidigta shanta gees leh ee ka babanaya xarunta Qaramada Midoobay uusan aheyn dal jira.

Wareysigan carada ka muuqata ee uu madaxweynaha Eritrea bixiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan suuqa la soo galiyay in uu taageersan yahay ama aqoonsan yahay dowladda rasmiga ah ee ka dhalatay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com