Daawo: KHEYRE oo ballan qaad sanad soo daahay u sameeyey caruurtii qaraxa Zoobe ku agoontoomay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xildhibaan hore, Cabdi Barre oo aan la xiriirnay ayaa si aad ah u dhaliilay ballanqaadka Khayrre oo uu ku tilmaamay mid xilligiisii ka dib dhacsan in halagaa sheego un loo yiri: “Sanad ka hor wixii la fulin waayay, maanta fulin maayaan, waa hadal ay dadka ku madadaalinayaan, daryeelkii ay agoonta siin waayeen sanad ka hor, xaaladoodana ay agaan waayeen, waxey maanta u sheegayaan waa halagaa sheego, waana hadal malaggii galay.”