Guddoomiyaha Sh/Hoose: Farmaajo oo Marka dhex jooga ayaan ka war helay

Marka (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose, Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay inuusan qeyb ka eheyn soo dhaweynta Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo barqanimadii maanta gaaray magaalada Marko.

Wareysi uu siiyay Idaacadaha ayuu ku sheegay Gudoomiyaha Sh.Hoose in Madaxtooyada Somaliya aan la soo socodsiin socdaalka Madaxweynaha, balse ay ka warheleen oo kaliya in Madaxweynaha ka dagay Marko.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Saraakiil ciidan, ayaa maanta safar dhanka cirka ah, waxa uu ku tagay Marko, waxaana la shegay in socdaalkiisa ay la xiriirto sidii dhiiragelin loogu sameyn lahaa askarta.

Villa Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa u dhexeeyo Khilaaf, iyadoo Koofur Glabeed oo uu hoostago Gudoomiyahan cabanayana ay ka midtahay maamulada khilaafku saameeyay.

Ugu dnabeyn, Gudoomiyaha Sh.Hoose, Maxamed Ibraahim Barre, ayaa tilmaamay in nidaamku yahay in Maamulkiisa la soo maro, si ay u diyaarinayaan socdaalka Madaxweynaha maadaama uu tago meel ay iyaga maamulaan.

Halkaan hoose ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com