Madaxweyne Donald Trump oo wacad ku maray in uu ciqaabi doono Sacuudiga

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa mar kale si adag uga hadlay kiiska ku saabsan Wariyaha weli lagu la’yahay gudaha Safaaradda dalka Sacuudiga ee ee Jamal Kashoqgi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wareysi uu siiyey CBS Maanta ku yiri ” Waxay noqon doontaa tallaabo adag oo laga qaado Sacuudiga haddii ay ku cadaato inay Safaaradeeda Turkiga ku dhex dishay Qoraaga Jamal Kashoqgi”.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay inay Sacuudiga si weyn isaga fogeeneyso ku lug lahaanshaha Kiiskaas balse wuxuu sheegay inay macquul tahay in Sacuudiga uu arrintaas sameeyey taasna ay keeni doonto tallaabo adag oo aan horey loo arag oo uu Mareykanka ka qaado Sacuudiga.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale ku celiyey hadalkii ahaa Inay Mareykanka hub siiso Sacuudiga taas badalkeedana laga rabo lacag maadaama uu sheegay in Sacuudiga shaqo loo qabanayo lana sugayo amaankeeda.

Qoraaga Reer Sacuudi ee Jamal Kashoqgi ayaa 2-dii Bishaan October lagu af duubtay Qunsuliyadda Sacuudiga ay ku leedahay Istanbul waana wadanka uu asal ahaan kasoo jeedo balse uu uga soo cararay inaysan ka jirin Xuriyad sida uu isaga horey u sheegay maadaama uu fikrad ahaan kasoo horjeeday qoyska haya Xukunka dalkaas.

Gabadha uu dhawaan guursan rabay ee uu waraaqda Nikaaxa u sameenayey ayaa ku adkeysatay inuu qoraagaan galay Gudaha Safaaradda Sacuudiga isla markaasna ay muddo badan banaanka u taagneyd ayna jirin sheegashada Sacuudiga ee ah inuu Safaaradda kasoo dhex baxay.

Kiiska Wariyahaan ayaa qaatay waqti badan waxayna si hordhac ah u sheegeen sirdoonka dalka Turkiga in Qoraagaan lagu dilay Safaaradda dhexdeeda isla markaasna cad cad loo jaray kadib markii ay Kiiskaas dartiis Turkiga diyaarad khaas ah ugu imaadeen 15 kamid ah Sirdoonka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com