41 sano kadib duulimaadkii Muqdisho-Addis Ababa oo dib u bilowday + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad diyaaradeed oo laga helay dalka Ethiopia ayaa shalay duulimaadkii ugu horreeyey muddo 41 sano ah ku tagtey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,taasi oo astaan u ah xiriirka soo xoogeysanaya ee labada dal.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia National Airways [Ma ahan shirkadda weyn ee Ethiopia Airlines] ayaa cago-dhigatay garoonka Aadan Cadde, waxaana ay hadda kadib magaalada tagi doontaa afar maalmood toddobaadkiiba, sida ay saraakiil sheegeen.

“Waa maalin taariikhi ah, innaga oo aan billownay duulimaad toos isugu xiraya Addis-Ababa iyo Muqdisho. Ma ahayn wax fudud, muddo badan ayaan isku dayeynay balse ugu dambeyn waan ku guuleysanay” waxaa sidaas yiri ninka iska leh shirkadda oo lagu magacaabo Abera Lemi.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Duulimaadka cusub ee isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Duqa Muqdisho ayaa furitaanka kadib, tilmaamay in duulimaadkani uu yahay kii ugu horreeyey muddo afar sanno ah ee si ganacsi ah iskugu xiraya labada dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xirka labada dalka iyo horumarka ganacsiga.

“Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagannahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa”.