Daawo: Afhayeenka madax goboleedkada oo jawaab ka bixiyey hadalkii Waare

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha HirShabelle ee ahaa in shir uu isaga ka maqan yahay oo ay yeeshaan madax goboleedyada uusan sharci ahayn.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Waare uusan hadda taagneyn boos uu kaga hadlo arrimaha maamul goboleedyada, maadaama maamulkiisa uu ka baxay golaha.

“Waare isaga oo aan cidna ka saarin, ayuu ka baxay golaha iskaashiga, goluhuna waa ay aqbaleen, soona dhoweeyeen go’aankiisa shaqsiyeed, marka umaba banana inuu ka hadlo arrimaha golaha” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan. Hoos ka daawo muuqaalka.