XAAF oo magacaabay gole WASIIRO + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magacaabay Xubnaha Golehiisa Wasiirada Cusub. Golaha Wasiirada Cusub ee maamulka Galmudug ee uu soo magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa ka kooban 25 Wasiir.

Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili Madaxda ugu sareeysa Galmudug uu ka dhexjiro Khilaaf xoogan, kuwaasi oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Hoos ka akhriso magacyada wasiirada Maamulka Galmudug.

1-Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose

2-Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka .

3-Mudane Saciid Siyaad Shirwac :    Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha

4-Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha

5-Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah

6-Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada

7-Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda

8-Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta

9-Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha

10-Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta

11-Mudane-cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka

12-Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada

13-Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta

14-Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasarada Beeraha iyo xanaada xoolaha

15-Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada biiada dhirta iyo daaqa

16-Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka

17-Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka

18-Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

19-Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka

20-Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada

21-Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka wasaarada Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha

22-Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda

23-Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga

24-Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka

25-Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta