“Ma arko rajo muujineysa in Somalia isku filan tahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan wali dhameystirin cadadkii loogu tallo galay inay gaarsiiso ciidamada AMISOM kala wareegi lahaa amniga.

Ambassador Francisco Madei, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay u muuqato mid culeysyo kala kulmeyso diyaarinta ciidamada AMISOM ay ku wareejin lahaayen amniga waxa uuna cadeeyay in baaritaano ay sameeyen ay ku ogaaden inuu hakat galay barnaamijydii lagu diyaarinaayay ciidamada.

Francisco Madei oo ka hadlaayay shir khuseeyay amiga ayaa yiri “Amisom diyar ayey u tahay inay wareejiso amniga Muqdisho balse ma aragno dadaalkii aan fileynay ee ahaa in lala socdo diyaarinta ciidamada aan ku wareejin laheynay amniga”

“Waxaa noo muuqda caajis iyo ka gaabin lagu sameynaayo dhameystirka ciidamada Somalia ee aan u gacan galin laheenay amniga waxaanu dooneynaa in lasii wado howsha maadaama uu wakhtiga nahaayo”

Ambassador Francisco Madei, waxa uu tilmaamay in Somalia ay yeelatay ciidamo badan oo uu sheegay inay sugi karaan guud ahaan amniga dalka, balse ay u baahan yihiin in lasii xoojiyo tababarada ay heystaan.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay la imaado qorsho ay ku xoojineyso ciidamada u sugi lahaa amniga, waxa uuna hubaal ku sheegay in AMISOM ay ka bixi doonaan Somalia.

Haddalka Madei ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ka gaabineyso qorshaha la wareegida amniga guud ahaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com