Haysom oo Muqdisho ku dhigtay xuska dadkii lagu xasuuqay qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Haysom, ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku dhigay baroordiiq loo sameynaayay dadkii ku dhintay weerarkii 14 October ee kadhacay Isgooska Zoobe.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan wakiilada saaxiibada caalamka u jooga Somalia, kuwaa oo dhamaantooda halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo loogu baroordiiqaayay marxuumiinta.

Nicholas Haysom, ayaa baroordiiqasi ku muujiyay sida uu u garab taagan yahay dhibanayaasha  14-October ee sannad ka hor ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Nicholas Haysom, oo ka hadlaayay munaasabada oo ka dhaceysay xarunta weyn ee QM ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xasuuqii ka dhacay Zoobe, waxa uuna tilmaamay inay ula mid tahay in dhibkaasi uu maanta dhacay.

Waxa uu Mr Nicholas Haysom, cadeeyay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto sida loo garab istaagi lahaa dadka Qaraxa ku waayay waali diintooda.

“Anagoo maalintan xusuusanayna dadkii geeriyooday, waxaan ugu baaqayaa xoogagga kooxaha xagjirka ah inay ka haraan inay walxaha qarxa hub ahaan ugu adeegsadaan dagaalka fallaago,” ayuu yiri Haysom. “

“Qaraxii Zoobe waxa uu ahaa midka labaad ee adduunka ugu xanuunka badnaa, wuu nataabtay waxa uu nagu reebay murugo, adduunka raali kama aha falka noocaasi ah” ayuu yiri Nicholas Haysom

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.” Ayuu intaa kusii daray

Waxa uu intaa raaciyay Nicholas Haysom “Dowlada Somalia waan kala hadli doonaa arrintaan aniga hadda ayaan qabtay xilka waxan sameyn doonaa talaabo aan xal ugu raadineyno qoysaska dadka ku waayay”

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan Kun ruux oo ay ku jiraan kuwo ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri kuwaa oo loo diiwaan galiyay inay dhinteen.

Qaraxa 14 October wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs).

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaaro nabad iyo barwaaqo inkastoo ay jiraan dhacdooyin argagaxiso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com