Muxuu isu casilay taliyaha hay’adda sirdoonka NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa si rasmi ah isaga casilay xilka, sida ay goor-dhow shaacisay hay’adda.

Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku tiri “Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.”

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliye Xuseen Cusmaan Xuseen la filayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota.

Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com