Sawirrada iyo wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha qaraxyada BAYDHABA

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Qaraxyada ayaa galaaftay dad isugu jiray shacab iyo shaqaalaha maamulka kuwaa oo xiliga Qaraxa ku kala sugnaa laba goob oo aad u mashquul badnaa.

Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray Hoteel la yiraahdo Bilan, halka midka kale uu ahaa nin isku soo xiray walxa qarxa uu isku qarxiyay Goob maqaaxi ah oo lagu magacaabo Beder isla markaana ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo.

Afhayeen Maamulka Koonfur galbeed Somalia oo goordhow lahadlay idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay korortay oo ay tahay 18, isla markaana ay ku dhowdahay labaatan ruux, halka dhaawaca uu gaaray 50 qof.

Waxa uu Afhayeenka intaa raaciyay inay jiraan dad goobta looga qaaday garaab ahaan oo markii danbe ku geeriyooday xarumaha Caafimaadka waxa uuna sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in khasaaraha dhimasho uu sii kordho.

Waxa uu ka gaabsaday in dadka la beegsaday ay ku jireen mas’uuliyiin ama shaqaale maamul, waxa uuna si dadban u tilmaamay in Qaraxa loo siman yahay.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.