Imaaraadka oo sheegay in DASTUURKA maamullada dalka ay aqoonsan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dastuurka ay adeegsadaan maamullada Soomaaliya, sida ku cad warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixinta ay sheegtay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda ugu xadgudbayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, waxaana lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka.

Imaaraadka Carabta ayaa markii ay khubarada QM weydiiyeen   sababta ay ugu xadgudbayaan Soomaaliya, ayaga oo dhisaya saldhigyo iyo dekado aysan ogleyn dowladda federaalka, waxay ku jawaabeen “Imaaraadka waxay heshiisyo la galeen maamullada ka jira Soomaaliya, si waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee dastuurka uu siinayo madax goboleedyada, si ay ugu guuleystaan amni, xasilooni iyo baraare”

Imaaraadka ma sheegin dastuurka ay ka hadlayaan ee awoodaha siiyey madax goboleedyada, hase yeeshee waxaa cad inuu yahay kan goboleedyada, sababta oo ah dastuurka Soomaaliya waxaa awoodda saxiixa heshiisyada caalamiga ah leh kaliya madaxweynaha Jamhuuriyadda. Hoos ka eeg qodobka arrintaas ka hadlaya ee dastuurka.

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhiga Imaaraadka iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland iyo midka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com