Sacuudiga oo isku dayaya inuu leexsado R/W Kheyre (Ujeedka safarkii Riyaadh)

Riyadh (Caasimada Online) – Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqasho ku tagay dalka boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmay madaxda sar sare ee boqortooda sida Boqorka Salmaan, dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Wasiirka warfaafinta dowladda Federal Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay nuxurkii booqashada Wasiirka kowaad ee Xukumadda ayaa ku sheegay in ay daarneyd xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Soomaaliya loo bogaadin lahaa oo ay deeqo hor leh u heli lahayd.

Si kastaba, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrimo kale ay ku hoos duugnaayeen ujeedka booqashada Kheyre.

Sida ay Caasimadda Online ku heleyso ilo lagu kalsoonaan yahay, waxa ay boqortooyada Sucuudiga u soo bandhigtay Ra’iisul Wasaare Kheyre yabooh dhaqaal oo aad u badan, taas oo ay uga gol lahayd sidii uu u noqon lahaa mid siyaasad ahaan dhinaca xulufadooda u janjeedha.

Sacuudiga oo og in hami madaxweyne uu ku jiro Kheyre, ayaa isku dayaya inuu soo goosto, kana dhigo Kheyre mid ugu yaraan si hoose ula shaqeeyo.

Arrintan ayaa la og yahay in ay dhabbaha u xaadhi doonto is-diid siyaasadeed oo ku yimaada xafiiska Madaxweynaha iyo midka Raisul Wasaaraha oo hadda ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee ay dowladdu gaadhay maadama aysan weli is khilaafin.

Ilaha waxa ay ku warramayaan in danta uu Sucuudigu ka leeyahay in uu khilaaf uga dhex abuuro madaxda sare ee dowladda ay ugu weyn tahay khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Turkiga oo hadda meel adag gaadhay.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Sucuudiga oo awalba aan cago badan ku taagneyd ayaa sii xumaaday toddobaadkii hore kaddib markii la dilay saxafi Sucuudi ah oo ku sugnaa Turkiga waxaana hadda eeddaas loo haystaa qunsuliyadda Sucuudiga oo la aaminsan yahay in lagu dhex dilay.

Walow ay wali socdaan baadhitaano umuurtaas ku saabsan, hadana haddii Turkiga ku caddeeyo in saxafiga lagu dilay Qunsuliyadda waxaa xumaan kara xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, taas oo horseedi doonta in Soomaaliya dhinac raacdo.

Si kastaba, wali ma cadda go’aan Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya uu ka qaatay dalabka Sucuudiga, in uu ku gacan saydhay iyo in uu u hoggaansamayba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com