Xog: Maxaa keenay in Ahlu Sunna ay Xaaf ku qaado DAGAAL siyaasadeed?

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu ka bilowday Olole siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug, gaar ahaan garabka Ahlusuna ee fadhiya Dhuusamareeb ayaa mooshin ka wada Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Madaxweyne Xaaf ay gaarayaan kontomeeyo, iyadoo uu sii socdo saxiixa mooshinkan.

Mooshinka laga wado Xaaf ayaa ku soo aaday, iyadoo ay jirtay hadal heyn ku saabsaneyd magacaabida Gole Wasiiro cusub, waxaana jira Xildhibaano ka biya diidan magacaabidaas oo aanay iska dhex arki doonin.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo, waxaana uu uga gudbi doonaa magaalada Garowe oo 15-ka bishan ka furmi doona shir ay leeyihiin Madaxda dowlad goboleedyada.

Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Dhuusamareeb ayaa waxay sii xoojineysa khilaafka uu la daala dhacayay Maamulka Galmudug oo horay madaxdiisa ay ugu kala jabeen Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Sida ay Xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Ururka Ahlu Sunna ayaa wadahadal hoose la leh Dowladda Soomaaliya waxaana laga yaabaa in la siiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Soomaaliya.

Waxaa hadda socdo wadahadal lagu doonayo inay Ahlu Sunna meesha kaga saaryo Madaxweyne Xaaf sidoo kalana iyagana ay ku heli lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Ahlu Sunna ayaa wasiirkaas usoo magacaabi doonto qof kasoo jeedo Beesha Habargidir sida aan xogta ku helnay.

Madaxweyne Xaaf ayaa hadda laga soo weerartay meel uusan fileyn, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu dhawaan lumiyey Magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com