Caddeyn: Wasiir Khadiija oo ka been sheegtay xuska maalinta calanka Somalia

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay khudbad ka jeedineysay munaasabadda lagu xusayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee la xuso burburkii kadib.

Khadiijo Maxamed Diiriye hadalladeeda waxaa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay maamuuska maalinta calanka Soomaaliyeed, laakin laga soo bilaabyo 2,000, intii hadda qaran burburka nagu dhacay, dowladihii KMG ahaa markii laga soo baxay, waxaan ku faraxsanahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga inay nasiib u heleen inay xusaan maalintan oo aan horay loo xusi jirin”.

Hadalka wasiir khadiijo waa been abuur iyo indho sarcaad ay ku sameysay dadka Soomaaliyeed, maalinta calanka waxaa si joogta ah looga xusi jiray Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah.

Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa 2014-kii iyo munaasabadda lagu xusayey sanad guuradaha 60-aad ee maalinta calanka.

Xaflad lagu qabtay Muqdisho waxaa ka soo qeyb-galay  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu dheeraaday taariikhda calanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Somalia, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda, calanka waa waxaan naga harayn, waayo geesiyaasheenna marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dedaa, marka aan weyneyno calankeenna,”

Sanad kadib, 2015-kii waxaa sidoo kale lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar waxaana ka soo qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid, guddoomiyaha golaha shacabka jawaari, duqa Muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo madax kale, waxaana looga hadlay qiimaha calanka.

Labadaasi sano waa tusaale dhow, laakin 4-tii sano ee madaxweyne Xasan Sheekh si joogta ah ayaa loo xusi jiray maalinta calanka Soomaaliyeed.

Lama oga waxa ku qasbay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye inay dafirto taariikh dhow, oo loo heli karo maqal, muuqaal iyo qoraalba.

Maamulka hadda jira ee dhashay Febraayo 8, 2017-kii, waxaa uu ku caan baxay  erayo ay ka mid yihiin ‘Markii ugu horeysay” iyo “28 sano kadib”, inta badan kuma fadhiyaan xaqiiq ee waa erayo lagu raadinayo sacab.