27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Daawo: Khudbadaha 6 ka mid ah musharaxiinta xilka gudoomiyaha BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah jeediyay khudbado ay ku cadeynayaan waxa ay qabanayaan hadii la doorto midkood.

Musharaxiinta jeedisay khudbada ayaa mid waliba qeexay qodobada uu wax ka bedeli doono, waxyaabaha uu ka fogaan doono iyo isbedelka uu sameyn doono haddii la doorto.

Musharaxiinta maanta jeedisay khudbada oo ka kooban 6 Musharax ayaa dhammaantooda u hardamaaya qabashada xilka Guddoomiyenimo.

Lixda Xildhibaan ee maanta khudbaha jeediyay ayaa waxa ay kala yihiin:-

Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Idiris Cabdi Dhaqtar.

- Advertisement -

Read more

Local News