Todobo wasiir oo ka banaan DF iyo isku shaandheyn la filayo inay dhacdo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo lasoo dhisay 21 kii March 2017 kii, waxay hadda shaqaynaysaa muddo sanad iyo bil ah, Xukuumadda waxaa ka maqan Wasirro, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle.

Wasiiradda maqan waxaa kujira kuwo muhiim ah oo qaaarkood ay bilo kooban Xafiiska joogeen, sidoo kale Wasaaraddo ayaa banaan muddo ka badan Shan bilood.

Shan Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle ayaa ka banaan Xukuumadda khayre.

Wasiirkii Gaashaandhiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan oo lasoo Magacaabay 26kii November 2017 kii ayaa Xilka iska casilay si uu ugu tartamo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waana Wasiirkii Labaad ee Gaashaandhigga iska Casila Sanad gudihiis.

Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta, Iimaan cabdullahi Cali waxaa Xilkii laga qaaday 26 kii November 2017 kii, Awood qaybsiga dartiis.

Wasiirkii Warfaafinta, Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan, Waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho 20 kii January ee Sanadkaan, sidaasna waxaa ku banaanaaday Xilkii uu hayay ee Wasiirnimo.

Wasiirka Gargaarka iyo Bini’aadanimada, Maryan Qaasim ayaa iska casishay  xilkeedii 15 November 2017, kadib isku dhexyaac ay sheegtay in uu ka jiro Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha,  Saalim Caliyoow Ibroow ayaa todobaadkaan gudihiisa iska casilay xilkii si uu ugu tartamo Afhayeenka Golaha shacabka.

Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibraahin Yaroow Isaaq, ayaa sidoo kale iscasilay si uu uga qayb qaato tartanka Golaha Shacabka.

Wasiiru dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isaguna isu casilay Tartanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khayre uu doonayo in uu isku shaandheeyn ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda si uu usoo buuxiyo Wasaaradaha banaan.

Isha: Radio Kulmiye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com