Spain oo dagaal culus ugu jirto sidii ay ula wareegi laheyd howlgalka Somalia ee….

Madrid (Caasimadda Online) – Spain ayaa indhaha ku heysa in Xarunta ugu weyn ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ah laga hirgeliyo Caasimadda dalkeeda ee Madrid, maadaama sida horey loo shaaciyay Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday in ay ka baxdo liiska wadamada Midowga Yurub ka tirsan.

Dowladda Spain ayaa hardan adag waxay kala kulmeysaa Dowladda Talyaaniga oo laftirkeeda ku warjo weyn in xarunta la dagaalanka Burcad Badeeda Midowga Yurub laga dhigo Magaalada Rome.

Waxaa kaloo jira wadanka Netherlands oo isaguna ka mid ah wadamada u hanqal taagaya in saldhigga ugu weyn howlgalka la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida uu qaabilo.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Spain, General Fernando Alejandre Martinez waxa uu sheegay inay xaqiiqdii muhiim u tahay dalkiisa inay Xarun Dhexe u noqoto Hawlgalka EU-da (Atalanta operation) ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Sidoo kale Spain waxay dooneysaa in xarunta Howlgalka EUNAVFOR Atalanta Operation ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ay ka dhigto magaalada Rota oo ku taalla Koofurta dalkaas.

Dhinaca kale, Ciiddanka Spain waxay ka mid yihiin Ciiddamadda EUFOR ee qeybta ka ah Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda Soomaalida.

“Waxay u baahan tahay xarun gaar ah oo xarunteedu tahay (Operational Office) taas oo u oggolaanaysa jihada istaraatiijiga ah iyo xakamaynta aagagga juqraafiga xiisaha weyn ee Yurub, waxaan aaminsanahay inaan awoodno xilkaas.” Ayuu yiri Wasiir Maria Dolores.

Howlgalkan waxaa la sameeyay 2008-dii markaas oo Burcad badeedda Soomaalida ay weeraro badan ka geysanayeen Xeebaha Soomaaliya, Gacanka Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com