Akhriso magacyada 11-ka musharax ee u taagan xilka guddoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta soo xiray qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana si rasmi ah shuruudaha u buuxiyey 11 musharax oo beel qura kasoo jeeda.

Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 11-ka xildhibaan ee u tartamaysa xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka oo lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan April 2018.

AKHRISO MAGACYADA MUSHARIXIINTA

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Tirada u taagan xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya tiradii ugu badneyd ee xilkan isu soo taaga tan iyo sanadki 2000 shirkii Carte, waxaana ku jira wasiiro xilalkoodii iska casilay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com