Xog: Xukuumadda oo baaritaan hoose ku haysa CC Sharmaarke

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imaanaya Xafiiska R’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, waxaa baaritaan lagu hayaa warqado uu horay u saxiixay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/Rashiid Cali.

Wararka aanu heleyno waxa ay tibaaxayaan inay jiraan Heshiisyo gaara oo ay gashay Xukuumadii uu hogaaminaayay Cumar C/Rashiid, balse aan keydka warqadaha Heshiisyada aan lagu xareyn.

Heshiisyada sida hoose loo baarayo ayaa waxaa kamid ah Heshiiska Dekadda Berbera oo la xaqiijiyay in Cumar C/rashiid uusan xiligaa Xukuumada ka danbeysay u reebin cadeymaha Heshiiska.

Waxaa jira Heshiisyo kale oo Cumar C/rashiid la galay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwaa oo xiliga dhicitaankiisa laga saaray Keydka Heshiisyada ay Xukuumadii hore la gashay dowladaha saaxiibada ah.

Heshiisyada ay ku wareersan tahay Xukuumada hadda jirta ee uu Hoggaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah Heshiisyo dhacay bishii ugu danbeysay ee xiliga kala guurka, isla markaana ay dowlada aheyd mid isku diyaarineysay doorashada.

Xukuumada Somalia ayaa baaritaanka hadda socda la kaashaneysa Wasiiro iyo Xildhibaano hore oo xiligaa aad ugu dhawaa Ex Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Xukuumada Somalia ayaa iminka wada qorsho ay dib ugu cusbooneysiineyso Heshiisyadii ay gashay Xukuumadii hore si loo helo Heshiisyo tixraac ah.

Ma cadda in Xukuumada Somalia ay ku guuleysan doonto baaritaanka ay iminka ku heyso warqadaha maqan ee uu Heshiiska ku galay Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com