Farmaajo oo kulan la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada uu tababaray Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa kulan saacado badan qaatay xarunta Wasaarada Gaashandhiga kula yeeshay Saraakiisha iyo ciidamada ay tababareen Imaaraadka oo ay la wareegtay dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay dhinacyo badan oo ay kamid tahay sugida amniga iyo in dalka uu yahay mid ay iyagu leeyihiin difaaciisana laga sugaayo.

Madaxweynaha waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada oo dhamaa ilaa 270 Askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kuwa Kummaanooska lugta u sheegay inay ka tirsan yihiin Wasaarada Gaashandhiga Somalia, maadaama uu soo dhamaaday mashruuca Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa hadaladiisa diirada ku saray xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Gen. Gordan, gaar ahaan is rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in dowlada Federaalka iyo ciidamadeeda ay mas’uuliyad ka saran tahay difaaca dalka, isla markaana aanu jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wixii dhacay, horeyna looga sii socdo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidankan u sheegay in ay gaarsiiyaan Ciidamada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Saraakiisha iyo ciidamada u cadeeyay in dowladu ay dhowreyso sharciga wixii ka baxsana aysan u dulqaadan doonin, isagoo ka digay in Hubka Qaranka loo adeegsado shacabka iyo ciidamada Qaranka.

‘’Wixii sharci ah kama xishoon doono mana aqbali doono falal amni daro iyo is rasaaseyn, waxaan dalbanayaa inaanu mar kale soo noqon wixii horay u dhacay’’

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada u ballanqaaday bixinta xuquuqdooda, waxa uuna carab dhabay in dowlada Somalia ay ku filan tahay ciidamadeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com