Muudeey oo xayiraada shaqo ka qaaday xoghayaha golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey uu dib shaqada ugu fasaxay xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa waxaa horay shaqo joojin ugu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdiwali Muudeey.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka ayaa shaqo ka fadhiisinta xoghayaha ku micneeyay inuu ka talaabay xadka shaqooyinkiisa, sidaana uu xiligaa ku muteystay shaqo ka joojin.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye muudeey, isla markaana la ogeeysiiyey dhammaan hay’adaha dowladda iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa Shaqadii loogu fasaxay xoghaye Buux.

Warqada ayaa waxaa sidoo kale Wasaarada Maaliyada iyo Bankiga dhexe ayaa waxaa looga codsaday in ay fasaxaan kharashaadkii golaha ee hakadka galay bilihii febaury, Maarso iyo Apriil.

Sidoo kale, Buux, ayaa looga digay inuu ka weecdo xadka howshiisa iyo inuu ku garabnoqdo dhinacyo isku haya shaqooyinka baarlamaanka dalka.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili baarlamaanka Somalia uu galay qalalaaso shaqo, waxaana iminka muuqaneysa in laga gudbay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com