Xog: Dowladda Kenya oo xaddiday dhaqaaqa CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay xadiday dhaqdhaqaaqa Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo iminka ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa talaabadaani qaaday kadib markii ciidamada amaanka dalkaasi ay is hortaag ku sameeyen Kulan looga hadli lahaa arrimaha Siyaasada oo loo qabtay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Dowlada ayaa la xaqiijiyay in Siyaasiga ay ku wargalisay inaanu qabankarin wax ku saabsan kulan Siyaasadeed, isla markaana ka hadli Karin kulamada khuseeya Siyaasada mudada uu joogo Kenya.

Waxa ay dowlada Kenya Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur u cadeysay inuu dusha saran doono wixii caqabad ah ee ka imaada ka weecashada talaabooyinka loo xadiday, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay Siyaasiga, sida aan xogta ku heleyno.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in xitaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur la soo koobay kulamada uu la qaadanaayo saaxiibada adduunka ku sugan Kenya, iyadoo laga fogaanayo mugdi ku imaada xiriirka Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Sidoo kale, Talaabada lagu xadidaayo Siyaasiga ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aden Bare Ducale oo isagu horay u ballanqaaday in Kenya aysan saldhig u noqon doonin duulaanka Somalia, kadib markii magaalada Nairobi ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ugu Danbeyn Du,ale ayaa ugu Baaqay asxaabta Siyaasadeed ee somalia in Gudaha somali ay ku Qabtaan Kualamada Ceynkani oo Kale ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com