Maxaa kala socotaa 3-da arrin ee Somalia uu u ballan qaaday Olgan Bekar?  

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowlada Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Bekar ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto is garabtaaga Somalia.

Danjire Olgan Bekar, waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka fogaan doonto qaadista talaabo waliba oo aan maslaxad ugu jirin Somalia, waxa uuna carab dhabay in Somalia ay ka go’an tahay inay ka ambaqaado halkii hore.

Waxa uu Olgan Bekar cadeeyay in Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu u taagan yahay sida Somalia looga saari lahaa dhibaatooyinka yaryar ee muuqda, waxa uuna carab dhabay in muddo kooban ay Somalia uga dhigi doonaan dal isku tashtay.

Olgan Bekar, ayaa ballanqaaday ka dhabeynta Seddex qodob oo uu sheegay in Somalia ay walwal xoogan ka qabto waxa ayna kala yihiin:

1-In Siyaasada Turkiga aysan noqon mid waxyeeleysa danaha Qaranka Somalia.

2-Qaadista talaabo waliba oo Turkiga uu ku dhaqan galin doono rajada iyo baahiyaha ay qabaan Soomaalida.

3-In Siyaasadooda aysan noqon mid looga macaashayo Soomaalida, isla markaana ay ka dhabeynayaan hadafka Siyaasadeed, iyagoo aan lamid noqon doonin dalalka ka dana fushta Somalia.

Sidoo kale, Danjire Olgan Bekar, waxa uu ballanqaaday in dowlada Turkiga ay diyaar u tahay buuxinta dhammaan boosaska ay faarujisay dowlada Imaaraadka Carabta, taa oo muujineysa in dowlada Erdogan ay ka go’an tahay is garabtaaga Somalia.

Ballanqaadka Danjire Olgan Bekar ayaa imaanaya iyadoo ay wada kulmeen Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed oo ka shaqeynaaya sida lagu dardar galin lahaa howlaha Qaranka ee arrimaha dibadda khuseeya.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Olgan Bekar ayaa Somalia uga digay inay kalsooni siiso dowladaha aanu danta ugu jirin Horumarka iyo xasiloonida Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com