Warbixin: Hadal haynta musharraxiinta xilka gudoomiyaha BF iyo kaalinta xukuumada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si aada looga hadal hayaa doorashada la filaayo in 30-ka Bishan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan Xildhibaano dhowra oo doonaaya inay buuxiyaan Kursiga uu iska casilay Gudoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dadka ayaa ku kala aragti duwan hanaanka uu u socdo ololaha Doorashada, waxa ayna badi qabaan in ololahaani uu yahay mid ka qabow kuwii hore.

Waxa ay qabaan dadku in qabowga ololaha uu yahay mid ay sababta Xukuumada Somalia, oo iyadu dhabarka ka riixeysa inta ugu badan Musharaxiinta oo ka tirsanaa isla xukuumada.

Xukuumada Somalia ayaa loo arkaa inay dhabarka saaratay dhaqaalaha ku bixi doona Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso, kuwaa oo qaarkood isu sharaxaaya boos buuxisa taa oo ay tusaale kaaga filan tahay mudada diiwaan galinta oo aad u yareed.

Dadka qaar ayaa qaba Xildhibaanada Mucaaradka qudhooda ay kaalin weyn ku leeyihiin ololaha socda balse Siyaasad gaara laga damacsan yahay aamusnaanta badan.

Waxa ay qabaan in Musharaxiinta qaar ay ku jiraan kuwo markoodii hore ka imaaday dhanka Mucaaradka, hase ahaatee isku muuqaal ekeysiinaaya muxaafid.

Aragtida ugu badan oo ay qabaan dadka ayaa ah in Xukuumada Somalia ay wadato shaqsiga la saadaalinaayo inuu noqon doono Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Shaqsiyaadka la rumeysan yahay in Xukuumadu ay ku bixineyso dhaqaalaha ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo iska casilay Wasaarada Gaashandhiga una taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ahaa Xildhibaanada riday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale, Xukuumada Somalia ayaa iska fogeyneysa inay kaalin ku leedahay ololaha lagu soo saarayo Gudoomiyaha cusub, wallow inta badan dadku ay yihiin kuwo aan aaminsaneyn iska fogeynta Xukuumada.

Si kastaba ha ahaatee, dadka oo idil ayaa qaba in sababta ay Xukuumada u riday Jawaari ay tahay inay la imaado Gudoomiye adeecsan dowlada Nabad iyo Nolol ee hadda jirta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com