Murugo: Lamaane aroos ahaa oo biriq ay ku dishay gobol ka mid ah Somaliya

Lamaane aroos ahaa oo ku noolaa deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa u dhintay biriq ku dhacday habeen hore, kuwaasi oo meydkooda laga helay hoygii ay ka deganaayeen Caabudwaaq.

Masiibadaan ayaa dadka deegaanka ka war heleen subaxnimadii Tallaadadan. iyadoo la sheegay in lamaanahaan ay hal todobaad wada noolaayeen oo ay aroos ahaayeen.

Aabe Subeyr oo ah aabaha dhalay Faadumo Subeer Cabdi iyo seeygeeda oo la oran jiray Raage Maxamed Aadan ayuu ku sheegay in loo maleynayo in geeridooda ay sabab u tahay biriq soo dhacday oo xoolana ay ku dhinteen.

Wuxuu sheegay Subeyr in gabadhiisa iyo seygeeda allaha u naxariistee ay wada joogeen hal todobaad kaliya, inkastoo uu xusay in meherkooda uu mar hore dhacay, balse ay wada noolaayeen todobaad kaliya.