Musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha BF oo khudbado jeedinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah xarunta Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ay Khudbado ka jeedin doonaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Gudoomiyaha baarlamaanka.

Sida ku qoran Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Musharaxiinta ah ayaa jeedin doona Khudbadaha ay ku muujinayaan waxqabadkooda, haddii loo doorto xilka Guddoomiyenimo ee baarlamaanka.

Musharaxiinta ayaa khudbadaha ka jeedin doona fadhiga Golaha Shacabka oo ka dhici doona Xarunta baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Nuur Iidow ayaa sheegay in Murashaxiinta ay is diiwaan geliyeen shalayna la soo gaba-gabeeyay, isla markaana maanta la dhageysan doono khudbadahooda.

Musharaxiinta ayaa Khudbadaha ku eegi doona barnaamij siyaasadeedkooda, waayo aragnimadooda iyo khibradaha ay u leeyihiin xilka ay u tartamayaan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha Murashaxiinta isla markaana ay ka soo xulan doonaan Xildhibaankii ay u arkaan inuu hogaaminkaro baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, musharaxiinta tartameysa ayaa isugu jira kuwo khibrad fog u leh xilka ay u tartamayaan iyo kuwo aan laheyn aqoon Hogaamiyenimo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com