Kulankii is casuumida ee C/raxmaan C/shakuur!!

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa sheegay in la joojiyay kulan isaga lagu soo dhoweyn lahaa oo maanta loo balansanaa inuu ka dhaco magaaladda Nairobi.

Wuxuu arintaa ku eedeyay inuu ka dambeyo madaxweyne Farmaajo.

Soo dhoweyn mise isi soo dhoweyn ?

Kulanka waxaa loogu yeeray soo dhoweyn, laakiin markii la aqriyo hadalka uu Cabdiraxmaan bartiisa Facebook ku qoray, waxaa kusoo baxeysa isi soo dhoweyn.

Hadii ay jiraan dad xaflad abaabulay si ay isaga usoo dhoweyaan ama xisbigiisa, waxey aheyd inaan aragno qaban qaabiyaashii iyo dadkii is abaabulay oo sharaxaya qaabkii uu kulankoodu u baaqday.

Mudooyinkii dambe, siyaasigu inuu isagu is casuumo wax caadi ah ayey ka aheyd Somalia.

Eedeynta Farmaajo

Cabdiraxmaan wuxuu Farmaajo ku eedeyay inuu arrintaan isagu fuliyay, balse wax cadeyn ah nalama wadaagin.

Wuxuu yiri xiligii Xasan Shiikh uu madaxweynaha ahaa, aniga iyo Farmaajo waxaan kulamo Dowladda looga soo horjeedo ku qaban jirnay Nairobi, balse Shakuur wuxuu iloobay in Xasan iyo Farmaajo aaney isku falsafad aheyn.

Hadii uu Xasan Shiikh aqbalay in Dowladiisa banaanka laga soo weeraro , Farmaajo inuu sidaas oo kale noqdo ma Dastuuriyaa, jawaabta idinkaan idiin dhaafay hana iloobin in dastuurkii la xaday.

Bilo ka hor, dowlada Kenya waxey diiday iney Nairobi ku shiraan xildhibaano kasoo horjeeda madaxweyne Farmaajo oo rabay iney halkaa mooshin ka abaabulan , taas waxey cadeyn u tahay in diidmada Kenya aaney ka bilaaban is casuumida Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Farmaajo ?

Ma hubo in madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Kenya iney joojiso shirarka looga soo horjeedo Dowladiisa, laakiin hadii ay jirto Farmaajo taa ma ku qaldan yahay ?.

Dadka aadka ula socda siyaasada Somalia iyo fara galinta ajaanibta waxey aaminsan yihiin in Farmaajo uu ku saxan yahay talaabo kasta oo aan dhiig ku daadan oo uu ku difaaci karo taliskiisa.

Midna waa iga su’aal, Kenya soo xaq uma lahan iney wax diido waxna ogolaato, in diidmadeeda laga dhigo amar Dal kale ka yimid soo gaf kuma ahan Kenya ?

Shakuur ?

Xildhibaanada marka laga tago ,Cabdiraxmaan waa musharaxa qura ee ilaa hada ku dhagan Farmaajo , dadku badi ma fahmin waxa 30-kii musharax ka takooray Shakuur isna wali daliil caafimaad qabta kama bixin arintaa.

Shakuur waa siyaasi xilal soo qabtay, cilmi badan uu ka muuqdo aadna aftahan u ah, laakiin xiligaan shaqada uu wado waxey dad badan u arkaan inuu ku noqday mid ka mid ah ciwaanada ugu caansan Facebook balse uu ku lumiyay dhibco badan oo siyaasadeed.

Waxaa u furan wali inuu aamusnaan ku kaluumeysto sida ay dad badan oo mucaarad ah hada sameeyaan, laakiin siyaasi walba wuxuu fahmaa inta uu la taliyihiisu fahmo.

Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com