Dhageyso: Kenya oo ka jawaabtay sababta ka danbeysay fashilinta kulanka CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xukumada Dalka Kenya ayaa hakad galisay Madal Maanta la filayay in Siyaasiga mucaaradka ah Abdirahmaan Abdi Shakuur uu ku qabto Magaalada Nairobi.Qorshaha ayaa ahaa in kulanka uu ku qabsoomo Xarunta Sir Ali Muslim Club oo dacalka ku heysa Xaafada islii ee Magaalada Nairobi.

Fashilinta kulanka kadib Dowladda Kenya ayaa Saacado un kadib waxa ay ka hadashay sababtii loo joojiyey kulanka soo dhaweynta aheyd oo Maanta loo qaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka hadlay sababta loo joojiyay kulanka ayaa sheegay in Kenya ay tahay dowlad aqoonsan dowladda Somalia.

Aadan Barre, waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Kenya uu noqdo Wadan looga duulo dalka Somalia sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya ay mas’uul ka ahaayeen in la joojiyo Xafladaas kadib amar ka soo baxay Madaxda Sare ee dowladda Kenya.

Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale ayaa laamaha amniga ugu baaqay in ay ka hortagaan kulan siyaasadeed Kasta oo Ka Dhan ah Xukuumada somalia.