Somaliland oo arrin yaab leh shaqada uga joojisay xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu shaqo joojin ku sameeyay Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka.

Xildhibaankan shaqada laga joojiyay oo lagu magacaabo xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman, ayaa lagu eedeeyay inuu ka qeybgalay caleyma saarka Suldhaan Beel-daaje oo ka dhacay magaalada Carmo gobolka Bari ee Puntland.

Shaqo ka joojinta Xildhibaanka ayaa waxaa ku dhawaaqay Golaha guurtida maamulka Somaliland oo raacay talo uu usoo jeediyay Gudoomiyaha Golaha guurtida.

Saciid Jaamac Cali oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay iney shaqadii ka joojiyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan.

Saciid Jaamac Cali, waxa uu sheegay in Xildhibaanka uu ka gudbay xeendaabka, sidaana looga joojiyay shaqada uu hayay.

Saciid Jaamac Cali, waxa uu intaa ku daray in Xildhibaanka uu ku xadgudbay xeerka u yaallay Golaha, hase ahaatee ay isla arkeen inay shaqada ka joojiyaan maadaama uu ka qeybgalay caleema saar ka dhacay Puntland.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Somaliland uu horay u xiray Boqor Buur-madow oo ka mid ahaa wax garadkii isna ka qeyb galay caleyma saarka Suldhaan Beeldaaje, inkastoo la soo daayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com