Wasiirka Ganacsiga Somalia oo dalka Kuwait kusoo bandhigay wax soo saarka dalka iyo maalqabeenada carabta oo

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait isagoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha.

Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait, waxaana la geeyey Hotel Sheraton Kuwait halkaas oo ay labada dhinac ku yeesheen saacado badan qaatay .

Wasiir Maareeye oo beryahaanba ku mashquulsanaa suuq geynta wax soosaarka Soomaaliya, wuxuuna halkaas kusoo bandhigay waxyaabo badan oo ka turjumayo  wanaafga dhaqanka iyo Waxs oosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo uu ugu talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay Soomaaliya maalgashadaan si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan.

Sida aad ka arki kartaan sawirada  Wasiir Maareeye oo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Kuwait Mr. Khaled Al Rodan gudoonsiinayo Moos, liin, Cambe iyo Alaab dhaqan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada