Isku dayga xukumadda Kheyre ee ah in sharciga laga sarreeyo waxaa eedday tii Cigaal

Oraah caan baxday ayaa tiraahda ‘History repeats itself’, -Taariikhda iyada ayaa isaga soo celisa. Macnaha waxa weeye, ma aha wax ugub ah in la arko dhacdo waa hore dhacday in ay markale iyada oo dhaceysa ay marqaati ka noqdaan jiil ay taas hore buugaagta ama sheeko ku soo gaadhay.

Dowladnimada Soomaaliya waa mid jirta wax ka yar 60 sano, marka laga soo tiriyo xorriyaddii kaddib; sagaal sano oo ay is bedeleen dowladdo rayyid ahaa, 21 sano oo ay dowladnimadu ahayd “Kali Talisnimo” iyo kuwo ka dhashay bur bur dalku galay oo soo gur guur guuranayey ilaa iyo maanta.

Ma jirin nidaam dalka oo dhan ku baahsan ‘Central authority’, wixii ka dambeeyey markii talada laga tuuray dowladdii kalayi taliska ahayd, hase yeeshe, wax la’aanna lama ahayn!

Ujeedka aan ka leeyahay maqaalkan waxa weeye in aan is bar bar dhig ku sameeyo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Wasiirka kowaadna ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raisul Wasaaraha na ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahn Cigaal –Eebe Ha’uwada naxariisto.

Bishii Febraayo markii ay 8-da ahayd 2017, waxaa xilka madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogeen u soo dhaweeyeen si aan abid loo arkin iyada oo iska daa dadka Soomaaliyeed ay ruxday ruuxiyaddii bulshada gudaha dadyooga dariska ah iyo madaxdooda – fantasiyo, heeso, gabayo iyo dabaaldagyo ayaa meel walba is qabsaday, taas waxa ay maalintaa iyada ay ka turjumeysay in waa cusub u dhashay Soomaaliya iyo shacabkeeda ay diloodeen Xabad, gaajo iyo hogaan xumo.

Maalmo yar kaddib, waxa uu Raisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre oo aysan dad badan fileyn maadama uu ahaa nin aan aad uga dhex muuqan jilaayaasha siyaasadda ‘Political Actors’. Kheyre isna waa la soo dhaweeyey.

Muddo yar kaddib, waxaa soo shaac baxay hal ku dhigga dowladda ee NABAD IYO NOLOL oo hadda noqotay sumadda qof walba oo taageersan dowladda.

Hadaba weydiinta qof walba ka dhex guuxaysa waxa weeye, NABAD IYO NOLO dalka ma u horseedeen dowlad wanaag? Maadama  dowladdan lagu tilmaamo mid ka timi rabitaanka shacabka ma ku taagan tahay dhabbihii ay filyeen in ay qaaddo kumanaankii jidadka caleemaha qoyan la taagaan markii la doortay Farmaajo?

Marka hore waa maxay Dowlad wanaag?

Dowlad wanaagu waa nidaam ay dowladdu ku xaqiijineyso dhisidda ha’ado tiirarkoodu adag yahay sida ha’yadda garsoorka, sidoo kale waa in xuquuqda qofka la ilaaliyo, dowlad dhisidda laga wada qeyb qaato, sharcigu sarreeyo, daah furnaan jirto, isla xisaabsan jiro iyo sinnaan.

Haddii intaa qeyb ka mid ah maqan yihiin waxaa dhaawacan dowlad wanaagga la rabo in dal ku horumaro kaba sii darane dal sida Soomaaliya aad u nugul.

Dad badan ayaa qabay aragtida ah in hal ku dhigga NABAD IYO NOLOL la mid yahay ama ugu yaraan ka ag dhawyahay hal ku dhiggii caanka ahaa ee KARTI IYO HUFNAAN oo ay lahayd mid ka mida xukumadihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Soomaaliya ee uu Raisul Wasaaraha ka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AHN). Hase ahaatee, kaddib mawjado siyaasadeed oo Qatar galiyey dowladnimada Soomaaliya oo la so gudboonaday Xukumadda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo sidii ay u maareysay waxaa meesha ka baxay malahaas.

Yeelkeede, waxa ay dhaqamada ay la soo baxday uga ekaatay tii ka dambeeysay Xukumaddii KARTI IYO HUFNAAN ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahm Cigaal.

XAGEE AYEY ISAGA EGYIHIIN?

Sharciga oo la sarreeyo

Sida hadda qof walba ka dharagsan yahay Dowladda hadda jirta ee ay madaxda ka yihiin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay ka sarreeyaan sharciga. Ma jirto cid su’aal galineysa in hay’addii garsoorka ay jeebka ugu jirto xukumadda, taas oo ay jirto ayaa waxaa hadda socda dadaal ay ku bixinayaan in ay gacanta ku dhiggaan hay’addii sharci dajinta.

Waxaa su’aalo badan la’iska weydiiyey sababta iyo sidii uu ku baxay gudoomiyihii baarlamanka Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari! Ma jirto cid bulshada faafaahin ka siisay, kaliya waxaa la ogyahay in ay is qabteen Xukumadda!

Soo Dimuqraadiyaddu ma ahayn in la’is dheeli tiro oo la’is xisaabiyo (Check and balance).?

Xukumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo sidii ay sharciga uga sarreeysay

Xukumaddii uu Cigaal ka ahaa Ra’isul Wasaaraha waxaa lagu xaman jiray in ay ka sarreeysay sharciga oo ay iyadu hay’adaha gacanta ugu wada jireen. Sharci dajinta markii horeba iyada oo ay aqlabiyadda haysteen SYL ayey hadana xilkii ka qaadeen garsoorihii maxkamaddii sare oo ahaa nin Talyaani ah balse aad u ilaalin jiray sharciga. Waxaa la oran jiray Pernagio.

Pernagio oo ahaa Talyaani waxaa maxakamadda u dhiibay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) ee uu Raisul Wasaaraha n aka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen )Aun) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo sharciga aad u ilaaliya kala saarana awoodaha hay’adaha kala madaxa banana.

Markii ay keenen Pernagio waxa ay shaqada ka eryeen Babaale oo ahaa isla Talyaani balse musuq badnaa.

Garsoore Pernagio waxaa lagu xusuustaa, maalin garoonka Koonis ay madaxda dowladdu barnaamij ku qabanayeen, waxa uu diiday in uu fariisto gadaasha Raisul Wasaare Cabdirisaaq iyo waliba shaqaalihiisa kale ee Maxkamadda, waxa uu dhinac fariistay Cabdrisaaqi isaga oo ku dooday in ay isku awood yihiin.

Markii ay yimaadeen Cabdirishiid iyo Cigaal waxa ay shaqada ka eryeen Pernagio si ay ugu suurtagasho in awoodda oo dhan ay fulinta gacanta u gasho iyaga oo ku bedelay nin dhallinyaro ah oo ay iyaga ka amar qaata.

Pernagio waxaa  ay Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq magacaabeen 1964 halka shaqada laga eryry 1968.

Gunaanad, Iyada oo ay jirto wali dareen ah in Madaxweyne Farmajo yahay nin ilaa iyo xad jecel in uusan faragalin hawlaha Xukumadda, sida uu xafiiiska u surtay Madaxweynihii kowaad ee dalka Aadan Cadde, oo aad ugu caan baxay aragti ah in aan la faragalin Xukumadda, haddii ay ka dhab tahay, waxaa habboon in uu xukumadda kula taliyo in aysan iyadana faragalin awoodaha hay’adaha kale ee ka madaxa banaan  – waa haddii ay jirto rabitaan ah in uu ka tago dowlad wanaag iyo raad qurxuun. Haddii ay taasi dhic weyso, waxa ay dhaxal ahaan ka tegi doontaa in dalku dib uga dhaco hiigsigiisii soo kabashada laamaha ha’ayadaha dowliga ah taas oo sii horseedi karta in xassllooni daradda siyaasadeed siyaaddo oo ay nagu hoggaamineyso cawaaqib xumo hore, maanta iyo berri laga baaqsan karo.

W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan 

EMail: Muhamedkaafi@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/unique.lawyer

Waxaan sheekadda Garsoore Pernagio iyo hab dhaqankii Xumukaddii Cigaal (AUN), ka soo xigtay barahayga sooyaalka siyaasadda Soomaaliya Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.