25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Daawo: Khudbadii Xasan Sheekh oo maanta balan-qaadyo waaweyn sameeyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad 15 daqiiqo ah ka jeediyey xil-wareejintii Agaasimaha NISA ee maanta ka dhacday xarunta Hay’adda ee Habar-Khadiija, wuxuuna carrabka ku dhuftay dhowr arrimood oo muhiim ah.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn amaanay labada Agaasime ee Mahad Salaad iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe oo xilka isku wareejiyey, “Ninka xilka wareejiyey Amb. Sanbaloolshe waa nin khibrad sare leh, Mahad-na waa sidoo kale waa nin aad khibradiisa aragteen, sida Sanbaloolshe sheegay in xilka la isku wareejiyo waa sunada dowladnimada,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay xasan Sheekh.

Intaas kadib Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday in sharaxaada amni darrada ka jirta Soomaaliya iyo muhiimadda uu dalkaan ku dhex leeyahay adduunka.

Madaxweyne Xasan ayaa ku taliyey in kalsooni la siiyo hay’adaha dowladda, oo gudaha dowladnimada xalka lagu gaaro, isagoo madaxdana kula taliyey in talo soojeedinta bulshada la qaato, isagoo yiri “Xeyn daabka dowladnimada banaankiisa xal kuma gaari karno.”

Wuxuu intaas ku sii daray “Dowladda hay’adaheeda kala duwan waxaa laga rabaa in dadka la dhageyso oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan, laakiin ka gaarista iyo horay u socoshada hay’adaha ayaa xaq u leh waana sababta loo sameeyey, dowladdu sidaan ayey rabtaa ee maxay idinla tahay waa in dadka la dhahaa, laakiin go’aanka dowladdaa iska leh.”

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in dowladiisu ay dadka la tasha doonto, “Dadka Soomaliyeed sida ay ku qanacsan yihiin waa in loo sameeyaa, waa lala tashanaa, qolo walbana sida ay rabto in loola tashado ayaa loola tashanaa,” ayuu yiri xasan Sheekh.

“Dalkaan waa dal aad u fiican, meesha uu caalamka uga yaalo waa meel aad u muhiim ah, wixii kheyraad ah ee dadka dunidaan ku nool ayuu Alle na siiyey, waxaa noo dheer inaan isku dad nahay oo walaalo wada dhashay aan nahay, kheyraadka aan heysano markaad eegto inta isheenu qabato waxaa ka badan inta aanaan arkin oo khibrado iyo aqoon hadaan u helno faa’iidooyin badan no oleh, sidaas darted waxaa khasab ah inaan sameysno saaxiibo caalami ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is aqbalaan oo dowladnimada wada dhistaan, “Soomaaliya shalay sidii ay aheyd maanta maaha, si meel sare aan u gaarno aan isku tanaasulno, waan koreynaa,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey madaxdii isaga ka horeysay, isagoo qiray in wax badan ay soo qabteen oo qof kasta uu dowladnimada meel soo gaarsiiyey, “Laakiin meeshaan inaan sii joogno maaha, dalku waa inuu hormar sameeyaa, iyadoo si siman dhinac kasta looga dhisayo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo khudbadii madaxweynaha

- Advertisement -

Read more

Local News