Daawo: Laftagareen oo caddeeyey mowqifkiisa wax ka bedelka dastuurka dalka

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhameystirka dastuurka.

Laftagareen ayaa sheegay in maanta loo dhan yahay arrinta dastuurka, si fiicana uu u maareeyey baarlamaanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u amaanay guddoomiyaha golaha shacabka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ku amaanayaa dadaaladii uu sameeyey intii ay socotay shaqada dastuurka, waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinaa inaan la isku dheganaan, iyadoo la tashanayo hadana horay haloo socdo,” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed wuxuu dalbaday in la garan istaago sida ay wax ku socdaan xiligaan, isagoo siyaasiyiinta qaba aragtida kale ku bogaadiyey inay doodooda miiska keenaan, si wax loo saxo.

“30 sano ayaan ku soo jirnay looma dhama, maanta waa u dhanahay dhameystirka dastuurka, qabiil meeshii qof ka joogo kama maqna, meeshii labo qof ka joogtana waa ku dhan yahay, Soomaali maanta waa u dhantahay ee arrinta dastuurka iyo dhismaha dowladnimadeena aan horay u dhaqaajino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen.

Madaxweynaha oo cadeeyey inuu taageersan yahay hanaanka ay ku socoto arrinta dastuurka ayaa siyaasiyiinta saluuga ka qabta ugu baaqay in masuuliyiinta shaqadaan qabatay ay ugu hambalyeeyaan.

“Aniga waxaan aad ugu amaanayaa guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo si qurux badan u gutay masuuliyadiisa, si wanaagsana u meel mariyey shaqadii loo ignaday,” ayuu yiri.

Madaxweyne Laftagareen ayaa arrinta dastuurka uga aragti duwan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowlad goboleedyada qaar oo Saciid Deni uu ka mid yahay, wuxuuna ku aragti yahay Xasan Sheekh.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey habraaca wax ka bedelka dastuurka oo aad ay u diidanaayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, buuq iyo sawaxan ayey ka abuureen kulankii baarlamaanka, laakiin looma joojin ee waa la ansixiyey.

Hoos ka daawo