Daawo: MADAALE oo war cusub kasoo saaray go’aankii dowladda ee Bajaaj-ta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta tegay goob ay ka socotay buufinta mootooyinka Bajaaj-ta ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho oo hadda loo kala saarayo A iyo B.

Guddoomiyaha ayaa beeniyey lacag aad u badan oo maalmahaan la isla dhex-marayey in lagu xujeynayo dhalinyarada, si loogu buufinayo mootooyinka oo la go’aamiyey in loo kala qeybiyo A iyo B.

“Waa been wararka suuqa ku jira, warbaahinta horteeda ayey ka qireen dhalinyarada Mooto Bajaaj-ta in 150 Dollar aan laga qaadeyn markii loo buufinayo mootada, balse waxaa laga qaadayaa 36 dollar, waana ogolyihiin inay dhiibaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu ku dadaalay in la yareeyo qiimaha laga qaadayo Bajaaj-leyda, taas oo ugu dambeyntii keentay inay isla ogolaadaan qorshaha socda ee lagu kala xakameynayo shaqada kumanaanka Mooto Bajaaj ee Muqdisho ka howlgasha.

“Waxaan ku nimid kormeer goobihii aan u asteynay in mootooyinka lagu kalareeyo oo loo kala saaro A iyo B, kani waa go’aan ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaana fulintiisa leh maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu sheegay in dhaqan-gelinta go’aankaas uu toos u bilowday maanta oo bishu aheyd 24, wuxuuna guddoomiyuhu uga mahad celiyey dhalinyarada ku dhaqeysata Mooto Bajaajta, sida ay ugu hoggaansameen go’aanka dowladda.

“Maanta fulinta awaamiirta dowladda ayey Bajaaj-ley saf dheer ugu jiraan, wixii soo kordha waan isla joognaa, waxaana ku dadaali doonaa inaan fududeyno wax kasta oo culeyska ka yareynaya, dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

Go’aankaan oo aad ay u diidanaayeen wadayaasha mooto Bajaaj-ta, isla markaana ay ka banaan-baxeen ayaa dhigaya in mootooyinka loo kala saaro A iyo B, taas oo ka dhigan in kooxda loogu buufiyo A ay shaqeyn doonaan hal maalin, maalinta xigtana ay magaalada ka shaqeysa doonto kooxda kale ee B loogu buufiyo.

Hoos ka daawo