Dagaal culus oo ka dhacay degmada Raaga Ceelle

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu dhexeeyay burcad hubeysan iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u tiilay rag hubeysan, isla-markaana ay ku hayeen ku dhowaad ilaa 10 baabuur, si ay uga qaataan lacago baad ah.

Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay iska hor imaadkaasi, wuxuuna sheegay inuu ka dhacay dhanka waddada marta xeebta, halkaas oo ay ku dagaalameen labada dhinac.

Maamulka ayaa xusay in ragga burcadda ah ay ahaayeen laba nin, isla-markaana ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan, kadibma ay la dagaalameen ciidamada ammaanka.

“Maadaama ay dagaalameen oo ay hub ka dhigistii diideen xabad ayaa meeshii ka dhacday iska caabin inay sameeyaan ayay isku dayeen waxayna ahaayeen laba wiil oo burcad ah oo baabuurta meesha ku baaraneysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mid kamid ah ragga burcadda ahaa la dilay, halka kan kalena uu baxsaday, isaga oo tilmaamay inay haatan ku raadjoogaan eedeysanaha.

“Mid kamid ah iska hor imaadka ayuu ku geeriyooday, midna waa uu fakaday, isna waan ku raadjoognaa, intaas uunbaa meesha ka dhacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay fasaxeen gaadiidkii ku xayirnaa halkaas oo kq yimid dhanka Muqdisho, kuna sii jeeday gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Baabuurta aan meesha ugu tegnay waxay dhammaantood u jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe safar ayay ahaayeen waxayna ka yimaadeen dhanka magaalada Muqdisho”. ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Howlgalkan ayaa daba socda fulinta amarkii madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u booqday Shabeelaha Dhexe, isag oo amar ku bixiyay in goobta lagu toogto nin walba oo isbaaro dhigta waddooyinka gobolkaasi.