Qorshe lagu dhacayo dhaxal-kii halgamaa Michael Mariano ‘oo ka socda’ Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in hantiilayaal iyo ganacsato waaweyn ku dhacayaan gurigii Ilma Michael Mariano, oo ahaa masuul xilal kala duwan oo illaa heer wasiir kasoo qabtay dalka.

Xildhibaan Maareeye ayaa waxa uu sheegay in dhul boobka lagula kacay Ilma Michael Mariano uu soo billowday 3 bilood kahor, xilligaasi oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka war helay kana hor istaagay raggaasi, hase yeeshe ay dib u bilaabeen iyaga oo qorshe cusub la yimid, sida uu sheegay.

“3 bilood ka hor waxaa la ogaaday in niman hantiilayaal iyo Ganacsato waaweyn ahi dhacayaan Gurigii ilma Meykal Maryamo oo dadkii hayeyna ka eryeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh ayaa arintii la gaadhsiiyey waxaana lay sheegay in Madaxweynuhu la hadlay ragii dhulka boobayey oo ku yidhi anigoo jooga Guriga Ilma Meykal Maryamo dhicimaysaane faraha ka qaada,” ayuu Xildhibaan Maareeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in ragga hantiilayaasha iyo ganacsatada waaweyn ah ee uu Xasan Sheekh 3 bil kahor ka hor istaagay damacooda boobka hantida Ilma Maykal Maryamo ay maanta bilaabeen inay kala googoyaan dhulkaasi oo baloodh baloodh uga iibinayaan dad ay ku heshiiyeen qorshahaan, si loogu wareero badbaadinta hantidaasi.

“Meykal Maryamo inkasta oo aanu dhinaca diinta ku caaqiido ahayn shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa Muwaadin, halgamaa iyo hogaamiye baal dahab ah ka galay hormuudna u ahaa raadinta qadiyadii 5-ta Soomaaliya iyo sidii labada gobol ee xoroobey (Konfurta Soomaaliya iyo Somaliland) xornimada uga qaadan lahaayeen Talyaaniga iyo Ingiriiska,” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Wuxuu noqday Wasiir iyo Ambassador shaqo fiican dalka u qabtay, waxaa taariikhdiisa dhowaan wax yar ka xusay General Galaal Allah ha u naxariistee.”

Xildhibaanka ayaa waxa uu “damiir xumo iyo gunnimo weyn” in maanta loo xoog sheegto Ilma Maykal Maryamo oo gurigooda laga dhacayo, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hortagaan arrintaais.

“Waa damiir xumo iyo gunnimo weyn hadii maanta caruurtii Ilma Meykal Maryamo loo Xoog sheeganayo oo gurigoodii laga dhacayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, RW iyo bahda dhaqanka ee iimaamku hormuudka u yahay waxaanu ka codsanayaa in ay ficilkaas bahalnimada ah joojiyaan.”