Arrin keentay guusha amniga Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo xalay ka qaybgalay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay  amniga Muqdisho iyo howlgallada haatan ka socda.

Wasiir Xagaa ayaa marka hore boggaadiyay shaqada iyo wanaagga ay la yimaadeen ciidamada boolis milataaro ee qayb ahaan lagu wareejiyay amniga gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteeen shaqadii loo igmaday, isla-markaana ay mudan yihiin in loo hambalyeeyo, lana abaal-mariyo.

“Qof haddii shaqo loo dhiibo ama waa ku guuleystaa ama waa ku guul darreystaa, runtii way ku guuleysteen iyaga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in guushaan ay keentay wada shaqeynta mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga oo haatan si wadajir ah uga howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Horta halkan waxaa ku dhan maamulkii magaalada Muqdisho amni iyo civil hadda ka horna ma dhicin inay sidaan u wada shaqeeyaan, marka wada shaqeynta guushaas ayay keentay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in lasii laba jibaaro wada shaqeynta iyo howlgallada ka socda caasimada, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darada ah.

“Waxaa inoo dhimman inaan laba laabno shaqada, inaan la’is dhigan cadowga nagala dagaalamaayo waa mid nala jira” ayuu yiri.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lagaa gudaga caasimada Soomaaliya.