Xog: Madaxweyne Xasan oo sameynaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Saciid Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay billowday abaabulka isbaheysi cusub oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo muddooyinkii dambe ay xiisad xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Isbaheysigan cusub ee Madaxtooyada ay sameynayso ayaa la xaqiijiyay inay ku abaabuleyso siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Saciid Deni.

Qorshaha madaxtooyada ayaa la sheegay inay dooneyso in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhamaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Saciid Deni, xilli ay sii xoogeysatay mucaaridada gudaha ee Deni.

Xogaha arrintaan laga helayo ayaa intaas kusii daraya in Madaxtooyada Soomaaliya ay dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan cusub ee ku sameynayso isbaheysiga siyaasadeed xooggan oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ujeedka u weyn ee Villa Somalia ay qorshahaan ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii culeys siyaasadeed u saarto hoggaanka Puntland oo isagu meel iska dhigay wada-shaqeyntii heer federaal, kana horyimid tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Qorshahan cusub ayaa imanaya ka gadaal markii ay maamulka Saciid Deni ay xiriirka u jartay dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia, sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed iyo rabitaanada madaxweynaha Puntland.

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa horraantii sanadkaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhamaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay Villa Somalia iyo maamulka Saciid Deni ayaa si weyn usii kala fogaaday, ayada oo maamulka Puntland uusan kasoo qeyb-galin shirarka iyo heshiisyada muhiimka u ah dowlad-dhiska, kuwaasi oo ay soo xaadireen madaxda dowladda federaalka iyo afarta maamul-goboleed ee kale.