Muxuu Sheekh Soomow ka yiri tallaabadii MADAALE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Soomow oo kamid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo bilaabay howlgalo lagula dagaalamayo maandooriyaha.

Sheekha oo u warramay Somali Cable TV ayaa marka hore soo dhaweeyay ficilada guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), wuxuuna tilmaamay inuu qaaday talaabo loo baahnaa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in usha uu qaatay ay tahay mid lagula dagaalamayo munkarka, isla-markaana lagu canaananayo dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha.

“Usha uu qaatay ayaa nimco leh guddoomiyaha gobolka Banaadir, waana ushii u wadan jirar Amiirul Mu’miniin, waxaan leenahay marka ushii Seyd Cumar ee munkarka uu uga hortagi jiray oo dadka uu ku canaan jiray ayuu soo qaaray” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekha ayaa sidoo kale xusay in waxa loo soo bandhigayo ay tahay inay ku tusaale qaataan dadka kale, si loo suuliyo waxyaabaha macaasida ah iyo maandooriyaha.

“Waxaa ka rabaa dad kale in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay runta gaartay oo canaananaayo gaarto, waxaa ku xigi doono in lagu fuliyo xadka shareecada Islaamka oo ah 40 garbaash oo dadka hortooda ah” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda iyi culimada Soomaaliyeed ay marar badan u digeen dadka leh hoteelada iyo kuea ganacsada maandooriyaha, isla-markaana xukunkoodu yahay mid adag, sida ay qabto Shareecada Islaamka

“Dadka hoteeladaas iska leh mar horaa loo digay iyo kuwa daroogada keenaayo ee ka ganacsanayo, waxaan leenahay xukunkooda shareecada aad ayuu ugu adag yahay, waana in laga hotagaa” ayuu ku daray Sheekha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo labadii habeen ee lasoo dhaafay uu Duqa Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada.