Museveni oo ka jawaabay dalabkii madaxweyne Xasan Sheekh

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay dalabkii uu dhowaan u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo qabanayo shir looga arrinsanayo xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda u codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda, isla-markaana lagu daabacay bogga internet-ka ee ciidamada milatariga ayaa waxaa lagu sheegay inay marti gelinayaan shirkaas oo ka dhacaya Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka  Apil ee 2023-ka, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda.

Waxaa sidoo kale dowladda Uganda ay shaaca ka qaaday in haatan uu socdo abaabulka shirkaas, isla-markaana ay wadaan guddi farsamo oo ka socdo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo diyaarinaya ajendaha shirka guud ee ka dhacaya Kampala.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan shirkan diiradda lagu saarayo, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo sidii wajigiisa labaad ay uga qayb qaadan lahaayeen ciidanka howlgalka ATMIS

Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ay qiimeeyaan guulihii u dambeeyay ee laga gaaray howlgallada haatan ka socda koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Si kastaba, madaxweynaha dowladea Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalkan ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado Al-Shabaab.