Maamulka gobolka oo shatigii kala laabtay hoteello iyo maqaayado ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Go’aankan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu imanaya xilli caasimada laga bilaabay howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, kadib markii markii uu maamulka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in howl-gallada uu horkacayay habeenadii u dambeeyay guddoomiye Madaale ee maamulka gobolka kula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo anshax xumada ay ku yimaadeen cabashooyin badan oo ka yimid bulshada, kuwaasi oo ka cawday xarumaha lagu iibiyo waxyaabahaasi.

Guddoomiye Madaale oo isagu hoggaaminayay howl-galadii labadii habeen u dambeeyay ayaa waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan, sidaas darteed aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban.

“Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Si kastaba, Howl-galladii u dambeeyay ee uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.