Shir muhiim u ah ‘qorshaha dagaal ee madaxweyne Xasan’ oo ka furmay Kampala

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala ka furmay shir muhiim u ah qorshaha dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku xoojinayo wejiga labaad ee dagaalka.

Shirkan ayaa waxaa iskugu yimid dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Uganda, kaasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howl-galka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmay Kampala ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Wejiga koowaad ee dagaalka iyo kan labaad oo hadda si hordhac ah uga billowday dalka ayaa waxaa lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda uga codsaday inuu martigeliyo shirka looga hadlayo amniga Soomaaliya iyo arrimaha ATMIS, oo ay ka qeyb-galayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan dalkeenna.

Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado kooxda.