Daawo: DF oo war cusub kasoo saartay daabulida Soomaalida ku xayiran SUDAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markale maanta ka hadashay muwaadiniinta ku xayiran dalkaasi, ayada oo sheegtay inay dowladda ay soo daabuleyso Soomaalida ku xayiran dalka Sudan oo dagaallo ay ka socdaan.

Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in dadaalka loogu jiro samatabixinta muwaadiniinteenna uu meel wanaagsan marayo, isaga oo shaaciyay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono illaa 200 oo muwaadin.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-galayay safaaradaha waddamada deriska, kuwaasi oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen howlaha samata-bixinta Soomaalida ku xayiran dalka Sudan.

“Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda waxaa raba in aan u mahadceliyo Diblumaasiyiinteena ka shaqeynayay arrinta gurmadka ee isugu jira safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo South Sudan, runtii waa jihaadeen oo waxay qabteen howl aad u muhiim ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Diinaari.

“Dadka Soomaalida waxay kusoo qulqulayaan xadadka kala duwna, waxaa lasoo gudbiyay illaa 148 muwaadin oo ku sugan hadda Sudan, maanta waxaa la filayaa illaa 200 muwaadin oo Soomaali ah inay soo gudbaan, oo waxay taagan yihiin xadka Al Qadarif ee dalka Sudan, ayna usoo gudbi doonaan xaggan, oo waxaa fududeyn doona diblumaasiyiinteena.”

Diinaari ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Kenya oo 19 Soomaali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda koofurta Suudaan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaaddaan una fududeeyaan safarkooda.

“Waxaa rajeynayna in dhamaan dadka Soomaalida meel kasta oo ay gaari karaan ay gaaran waxaa meeshaas diyaar ugu ah diblumaasiyiinta kala duwan ee ka howl-galayay safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo Koonfurta Sudan oo hadda diyaar u ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu hay’adaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay in ay dadkooda u gurmadaan oo ay qeyb ka noqdaan sidii muwaadiniinta halkaasi ku xanniban loo samata-bixin lahaa, si ay u helaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka