Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho ‘ee u socday dhex-dhexaadinta’ oo gaaray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii kal hore ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madax dhaqameedkan oo muddo ku sugna magaalada Garoowe, islamarkaana kormeer ku tegay magaalada Laascaanood oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay kasoo degaan madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay madax dhaqameedka kala duwan ee Somaliland, iyaga oo kusoo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa, sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka qaabilaan dhex-dhexaadintooda iyo arrinta ay u socdaan.

“Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is wareysigayaguna wuu noo dambeeyaa,” ayuu yiri Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xil-saaran xalinta colaada Laascaanood.

“Ergo ayaa tihiin oo anaguna ergo ayaa nahay, oo anagu mudaba waxaa fadhinay Laascaanood, waa Salaadiintii Oog tagtay oo halkana maanta idinku soo dhaweynayna, maadama aan nahay ergadii idinka horeysay, hadalkayagu waa soo dhaweyn walaalnimo.”

Ugaas Maxamuud oo horkacaya madax dhaqameedka gaaray Hargeysa oo ka hadlay munaasabadda kooban ee soo dhaweynta aheyd ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta odayaasha dhaqanka Somaliland, “Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u mahad-celinayna oo runtii si karaamo leh noogu soo dhaweeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, intaas kadib hadalka iyo ujeedka socdaalkeena waxay noo ahaan doonta goorteeda iyo goobteeda.”

Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland iyo madax dhaqameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood.

Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland.

“Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo xilligaasi la hadlay warbaahinta.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celisay inay diyaar u tahay xal nabadeed iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna tallaabada maanta u muuqata mid ay u qaaday dhabahaasi.