MADAALE oo amar culus dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir, kadib kulan xalay ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga iyo maamullada degmooyinka gobolka ayaa waxa uu guddoomiye Madaale faray saraakiisha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka inay degaan degmooyinka ay masuulka ka yihiin, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

“Haddii uu guddoomiyaha deganeyn degmadiisa, haddii Taliyaha Saldhigga uusan deganeyn degmada, haddii intii amniga ka shaqeyneysay ay meelo kale jiraan, waxa aan aaminsanahay in meeshaas wax ay ku jiraan. Arrintaas waxa aan rabnaa in laga gudbo oo loo gudbo wada-shaqeyn,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa la’iska rabaa si mideysan oo wada-jir ah in aan u wada shaqeyno, annaga mas’uuliyiin ayaa naga sarreysa oo xisaabtan ayey naga rabaan, annagane waa in aan idinla xisaabtannaa.”

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ka codsaday inay sii dardar geliyaan sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sida ay Ramadaan-kii ugu guuleysteen in bulshada caasimadda ay nabad helaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka, taliyaasha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska iyo Nabad-sugida.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii hore ay qaraxyadu uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, dadkuna aad ugu dhiman jireen.