Somaliland oo soo saartay digniin ku wajahan SOOL iyo laba gobol oo kale

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada Somaliland ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer ay ka di’i doonaan roobab aad u badan, sida ay saadaashu muujinayso.

“Saadaasha roobka Gu’ga ee toddobaadka soo socda ka di’i doona Insha-Allaahu dhamaadka bishan aynu ku jirno ee April 2023, roobab aad u badan ayaa ka di’i doona inta badan gobollada Barriga ee Somaliland, sida;  Sanaag, Sool iyo Togdheer roobabkaas oo cabirkoodu gaadhayo 50mm — 150mm,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland

Sidoo kale waxay sheegtay in qeybo ka mid ah gobollada galbeedka ee Awdal, Saaxil iyo Maroodi-Jeex ay ka di’i doonaan roobab fiican oo lagu diirsan doono cabirkiisuna meelaha qaarkood gaadhi doono ugu sarayn 30mm — 50mm.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobollada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda.

“”Waa inay ka fogaadan jeex-jeexyada, roobku aad buu u di’i doona ee ha la is ilaaliyo oo xoolaha iyo maatida halaga fogeeyo,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo saartay wasaaradda beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxdeeda saadaashada hawada.

Xafiiska Saadaasha Hawada ayaa si toddobaadle ah u soo saara saadaasha roobka iyo xadiga roobabaka Somaliland da’a, wuxuuna inta badan la wadaaga hay’addaha dowladda, NGO-yada iyo dhamaan bulshada reer Somaliland.