Dagaallo Al-Shabaab looga xoreeyey laba deegaan oo muhiim ah oo ka dhacay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday degaanka  Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogtay kooxda Al-Shabaab, saraakiisha hoggaamineysa ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sheegay inay sii baacsanayaan Shabaab-kii ka firxaday deegaanka Jameeco.

Dhinaca kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-lahelay oo koonfur-bari ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka waxaa qaaday ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxayna dagaal culus la galeen kooxda Al-Shabaab oo dagaalkaas looga taag roonaaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ku sugan Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa maalmahaan ka socday howlgallo culus oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku baacsanayeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa hadda ku baahay koonfurta iyo galbeedka gobolka Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa in kooxda laga xoreeyo Buurweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo weli ay joogaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, xiisad u dhaxeysa laba beelood ayaa ka taagan deegaano hoos taga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xiisada beelahaas ayaa istaagtay mudadii dagaalka lagula jiray kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay mid kalena waa dhaawac, kadib markii xalay koox hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay weerareen qoys reer Miyi ah, waxay halkaas ku dileen hal wiil mid kalena waa dhaawaceen.