Daawo: Maamulka gobolka oo abaalmarin u ballan-qaaday shacabka Xamar haddii ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sameeyay ballan-qaad cusub oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo falalka lidig ku ah amniga.

Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in uu abaalmarin siin doono qofkii soo dusiya macluumaad halis ku ah amniga degmada sida; Al-Shabaab, shaqsiyaadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kooxaha ciyaal-weerada.

Guddoomiyaha oo qeyb ka ahaa howl-gal ay xalay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho si wadajir ah uga sameeyeen ciidamada booliska iyo nabad-sugida Soomaaliya xaafado ka tirsan, ayaa sidoo kale sheegay in caasimada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed leeyihiin saddex cadow oo isbiirsaday.

“Saddex cadow ayaan leenahay oo Soomaaliya horumar ka gaari la’ dahay waxaana ay kala yihiin: Garan-waaga oo ah Al-Shabaab, daraagiska iyo ciyaal-weerada, cid soo adeegsatay ma naqaano,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray “Si looga hortago aniga oo ah guddoomiyaha degmada ayaa ballan-qaadaya oo iigu imaanee xarunta degmada iyada oo aan la ogaan inaad tahay qofka maclumaadka nala soo wadaagay.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday inay sii joogteeyan kala shaqeyntooda amniga, si la iskugu helayn karo amniga caasimada, oo muddooyinkii dambe soo reysanayay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan meel fagaare ah ka sheegay in amniga Muqdisho uu reystay kadib markii toos loo abaaray halkii ay aheyd in laga raadiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Sugida amniga caasimadda ee ku guda jirno meesha ay naga jirto ayaa fahanay, waxaa garwaaqsanay in amniga aan raadineyno ay naga jirto in shacabkeena adeegsano,” ayuu yiri Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Sababta horseedka u ah in amniga Muqdisho uu isbeddel ku yimaado ayuu ku sheegay inay tahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, “Iskaashiga iyo isxog-weydaarsiga bulshada iyo laamaha amniga ayaa iska leh sababteeda guushaasi.”

Hoos ka daawo muuqaalka