Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku ridday sixiroole sameeyay arrimo yaa bleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiis xasaasi ah oo ka dhashay dacwado ka dhan ah nin sixiroole ah oo sameeyay arrimo yaableh oo ku aadan kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble, isla-markaana ah 52 sano jir ayaa waxaa horay gacanta ugu soo dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isaga oo gacanta kula jira ficil fool xun iyo sidoo kale gogol dhaaf.

Baaris dheer oo ay sameysay xeer ilaalinta qaranka kadib ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan haween dhibane u ah ninkan, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi iyo duubis muuqaallo anshax xumo ah, isaga oo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalinta lagu sheegay.

Xiis oo kasoo socotay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamadda u shararxaday dhibaatooyinka kala duwan oo uu ninka u geystay dhibanayaasha.